XOG: Guuleed oo Ahlu-Sunna u ballan-qaaday in ay saddex midkood qaataan kuna soo biiraan !!!!

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/karin Xusein Guuleed ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu Xubno ka tirsan Ahlusunna uu usoo bandhigay Seddex fursad oo ka faa’iideysigeed looga baahan yahay Ahlusunna.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Guuleed uu Xubnahaasi oo ku sugan Cadaado usoo bandhigay inay qaatan Seddex jago oo muhiim ah midkood waxa ayna kala yihiin:

1-Wasiirka amniga maamulka

2-Wasiirka Ganacsiga Maamulka

3-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa inuu u ballan qaaday ilaa Afar wasiir ku-xigeeno wasaaradaha ugu quwada weyn, waxa uuna badalkeeda ka codsaday xubnahaasi in Hogaanka sare laga dhaadhiciyo inay ka tanaasulaan Siyaasada ay ku dhistay Ahlusunna Maamulka cusub.

Xubno ka tirsan Ahlusunna ayaa Gulled iyo kooxda ka dhex wado dadaalo sidii ay isugu soo dhawaan lahaayen labada dhinac inkastoo warar hoose ay sheegayaan in Ahlusunna ay wadato shuruudo adag oo aysan ka bixi karin DF iyo Maamulka Galmudug.

Xiriiro dhanka Telefoonka ah ayaa u socda Gulled iyo Ahlusunna waxa uuna C/kariin Gulled ku doodayaa inuu sameyn doono wax waliba oo ay ku qanceyso Ahlusunna, balse Ahlusunna ma aaminsana ballan qaadyadaasi uu Gulled sameynaayo, bacdamaa uu saaxiib dhow la yahay Xassan Sheekh oo isagu lagu eedeeynaayo inuu Kooxda u dhigay ballamo waxkama jiraan ah.

Gesta kale, C/kariin Gulled ayaa waxaa lagu amray sida ay xogtu sheegeyso inuu gaaro Magaalada Dhuusamareeb si uu ula fadhiisto Hogaanka sare ee Ahlusunna wal-jameeca.

Caasimada Oline
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com