Shariif Xasan oo taageeray maamulka Gal-Mudug

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koofur galbeed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay doorashii Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Cadaado ee lagu soo doortay madaxweynaya maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiirka warfaafinta maamulka Koofur galbeed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, ayaa sheegay iney si buuxda u taageersan yihiin doorashadii ka dhacday magaalada Cadaado ee gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa sheegay in doorashadii ka dhacday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ay tahay mid si cadaalad ahku dhacday, ayna la safan yihiin maamulka Galmudug, sida wasiirka uu sheegay.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in maamulka Koofur galbeed uu taageeri buuxda siin doono maamulka cusub ee Mudug iyo Galgaduud, isagoo cadeeyay in muhiimada koowaad ay tahay in waxqabad wanaagsan uu la yimaado madaxweynaha cusub ee la doortay.

Maamulka uu madaxweynaha ka yahay Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ugu baaqay madaxweynaha cusub ee Galmudug Mr Guuleed inuu xiriir la sameeyo maamulka Puntland iyo maamulka Ahlu sunna ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Dhuusomareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com