Kay oo sheegay hadal ka careysiiyay Ahlu-Sunna

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Nickolas Key ayaa sheegay in DF Somalia ay ka gaabineyso kaalintii kaga aadaneyd hanashada Maamul Goboleedyada dalka.

Key ayaa sheegay in QM aysan u dulqaadan doonin waxyaabaha ka socda Magaalada Dhuusamareeb waxa uuna sheegay in QM ay qaadi doonto talaabooyin lagu burburin doono awooda Ahlusunna wal-jameeca.

Waxa uu Key carabaabay in QM ay garabtaagan tahay kaliya DF Somalia wixii kasoo harana aysan la jaanqaadi doonin wixii intaa kasii badan, wuxuuna cadeeyay in awooda Ahlusunna ay sheeganeyso ay u dhiganto awood Maleeshiyo beeleed taasina aysan u hakan doonin DF iyo QM.

‘’Waxaa burburi doona kalsoonidii QM ay u qabtay Ahlusunna hadii wax laga bedeli waayo awoodaha ay Ahlusunna sheeganeyso waxaa waajib nagu ah inaan ka qeybqaadano burburinta ahlusunna waayo waxaa dhamaaday dulqaadkii, ujeedka ahlusunna waxa mid lid ku ah dhicitaanka doorashada taasina masuuragali doonto’’

Haddalka Nickolas Key, ayaa u muuqanaayo mid taageero loogu muujinaayo DF Somalia, balse waxaa meesha ka maqan talaabooyinkii waajibka ku ahaa QM markii laga soo tago goodinta Nickolas Key.

Ahlusunna ayaa weli ku dhagan mowqifkeeda waxa ayna taasi qalqal galisay hamigii beesha caalamka ay ka qabtay doorsho xor ah oo ka dhacda Somalia, bacdamaa Ahlusunna ay kala dhantaashay maamulkii dhismihiisu rajada laga lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com