BAYDHABA: Askari bam gacmeed ku dilay 7 qof

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in gelinkii dambe Shalay oo Isniin aheyd askari ka tirsan ciidamada ku sugan magaalada uu dilay 7 ruux oo rayid ah.

Dilka dadka rayidka ayaa ka dhacay agagaarka afar irdoodka magaalada Baydhabo oo ah goob aad u mashquul badan, waxaana dadka dhintay ay ahaayeen kuwo goobta ku wada sugnaa, sida dad goob joogayaal ah ay xaqiijiyeen.

Askari kusugan magaalada Baydhabo ayaa sameeyay fal naxdin badan, kadib markii bam gacmeed uu hayay gaanjada ay ka furatay kadibna uu iska tuuray dadkana ay ku qaraxday.

Xarumaha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in 7 ruux ay ku dhinteen goobta bamka uu ka dhacay, waxaana dhaawacyo ay soo gaareen dad kale oo rayid ah.

Maamulka Koofur Galbeed waxay sheegeen iney qabteen askariga dilka dadka rayidka u geystay uuna ku xiran yahay saldhiga magaalada Baydhabo.

Waa falkii ugu horeeyay oo askari ka tirsan dowlada kuna sugan magaalada Baydhabo uu geysto inta bisha Ramadaan lagu gudo jiro.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com