Natiijada codkii BFS ee guddiga doorashooyinka 2016 + Beelahooda iyo sida loo kala keensaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa ansixiyay Guddiga doorashooyinka Qaranka oo maanta Baarlamaanka cod qarsoodi ah ay u qaadeen.

Kulanka Baarlamaanka oo saacado badan qaatay maanta ayaa goor dhaweyd waxa ay ansixiyeen Guddiga doorashooyinka qaranka.

Xubin waliba oo Guddiga ka mid ah waxaa la sheegay inay ku soo baxeyso 94 cod, balse Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa xubin waliba tiro intaasi ka badan lagu ansixiyay.

Xubnaha la ansixiyay codadka ay kala heleen iyo magacyadooda ayaa kala ah

1.Siciid Xaashi Warsame, wuxuu heley 124 cod
2. Maxamed Xasan Thaani, wuxuu heley 120 cod
3. Xuseen Cabdi Aaden, wuxuu heley 119 cod
4. Sayid Cali Sheekh Maxamed, wuxuu heley 129 cod
5. Maxamed Axmed Nuur, wuxuu heley 117 cod
6. C/rixmaan Cismaan Dirir, wuxuu heley 128 cod
7. Maxamed Daahir Maxamuud, wuxuu heley 127 cod
8. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, waxaa ay heshay 102 cod
9. Khadiijo Cosoble Cali, waxaa ay heshay 119 cod.

Halkan ka aqri xog ku saabsan beelaha iyo sida loo kala keensaday xubnahan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com