Wikileaks oo KASHIFAY heshiis qarsoodi ah oo dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland ay wada hadal qarsoodi ah la fureen DF Somalia.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ”Cirro” ayaa shir Jaraa’id ee uu qabtay ka shaaciyay in Xukuumada Somaliland ay wada hadal qarsoodi ah la furtay DF Somalia, waxa uuna sheegay in taasi ay tahay qiyaano qaran.

Cirro waxa uu sheegay in heshiiska Xukuumada Somaliland la gashay DF Somalia uu dhigaayo in Somaliland ay ku biirto dowlada Somalia.

Sidoo kale Cirro ayaa cadeeyay in heshiiskaasi DF Somalia lala galay bishii February 2012 sida ku cad warqad sir ah oo uu faafiyey website-ka Wikileaks.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi wuxuu sheegay in warqaddu muujineyso in Somaliland ay heshiiska la gashay dowladda federaalka, Puntland iyo maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira.

Dhanka kale, Musharaxa Xisbiga UCID ugu taagan doorashada la filaayo inay ka dhacdo Deegaanada Maamulka Somaliland, ayaa sheegay in sababta Xukuumada iminka taagan ay u raadin la’dahay aqoonsiga uu yahay mid daba socda wadahadalka qarsoodiga ah ee dhexmaray DF Somali iyo Maamulka Somaliland wuxuuna sheegay in shacabka lagu mashquuliyo wada-hadallo aan mira-dhal laheyn.

Waxaan hadalkaasi weli jawaab ka bixin Xukuumadda Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com