DHAGEYSO: Madaxweyne Guuleed oo ka hadlay qaabka ay noqon doonaan wasiiradiisa cusub !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay qaabka ay noqon doonaan golaha wasiirada ee uu u dhisayo maamulka Mudug iyo Galgaduud.

C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in golaha wasiirada ee uu soo dhisayo ay ahaan doonaan kuwo ay iska dhex arkaan dhamaan qeybaha bulshada ee daga gobolada Mudug iyo Galgaduud oo uu madaxweyne u yahay, kadib markii ay soo baxeen tabashooyin badan.

Madaxweynaha wuxuu sheegay inuu tagi doono magaalooyinka Guriceel, DHuusomareeb iyo meel kasta oo kamid ah deegaanada uu ka arimiyo maamulkiisa si uu wada tashi ula sameeyo dadka maamulka loo sameeyay.

Golaha wasiirada ayuu sheegay iney ahaan doonaan kuwo ay iska wada arkaan dhamaan dadka ku nool deegaanada Galmudug, uuna la tashiyada la sameyn doono Ahlu sunna iyo dhamaan dhinacyada maamulka uu quseeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com