“Dhankeena MOOSHIN kama imaan doonno waa nalaga nabad-gali doonnaa” Sidaas waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Gacal Casir oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku qotoma qorshayaasha horyaala Baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa ka hadlay dhinacyo badan oo quseeya howlaha horyaalla, habkii uu soo maray dhismaha Baarlamaanka iyo waliba dhismaha ilaa heer Madaxweyne oo 4tii Bishan July lagu soo gabagabeeyay Magaalada Cadaado.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Cali in howlaha hadda ugu horeeya ay tahay diyaarinta Xeer hoosaadyada Baarlamaanka,Guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka uu yeelanayo ansixinta Golaha Wasiirrada ee la soo magacaabayo iyo howlo kale.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Baarlamaanka uu Guddoomiyaha ka yahay ay ka shaqeyn doonaan horumarinta Galmudug islamarkaana ay meel iska dhigi doonaan Khilaaf iyo Mooshin.

Gudoomiyaha ayaa ballan qaaday in Baarlamaanka Galmudug uu ka caaganaan doono Mooshinada dhaqanka u noqday DF Somalia, waxa uuna carabka ku dhuftay inuu dadaal ku bixin doono sidii looga badbaadi lahaa Mooshin laga keeno Madaxweynaha Maamulka iyo Xukuumada ay yeelan doonto Galmudug.

Dhanka kale, waxa uu Shacabka deegaanka ugu baaqay inay muujiyaan la shaqeynta Maamulka isagoona u ballan qaaday inuu hormar gaarsiin doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com