XOG: Kullankii XASAN iyo Uhurru ee badda lagu iibiyey iyo teleefonkii Aamina ay u dirtay Hadliye

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay iibkii badda Soomaaliya iyo sida dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay wax badan uga qarineyso shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online oo maalmahan daba-gal ku haysay arrintan, ayaa ogaatay in kullan bishii June 2015 ku dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhrru Kenyatta lagu go’aamiyey in sir uu ahaado heshiis labada dowladood ay horey u gaareen.

Kullanka oo ka dhacay magaalada Johannesburg 15-kii June, halkaasi oo ay labada madaxweyne kaga qeyb-galeen shir madaxeedkii Midowga Afrika, ayaa waxa sida aan xog ku helnay uu Xasan Sheekh ugu xaqiijiyey Uhurru Kenyatta sida uu u taageersan yahay heshiis horey ay Kenya ula galeen wasiirka arrimaha dibedda Somalia iyo ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, oo dhigayey in Somalia ka laabto dacwadda ay u gudbiysay maxkamadda Hague. Waxaa sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh uu ku ogolaaday in arrintan aysan marnaba dowladda Somalia si rasmi ah u shaacin.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kadib markii wasaaradda arrimaha dibedda Somalia ay soo saartay warsaxaafadeed ay kaga hadashay arrinta badda 1-dii July 2015, ay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Amina Maxamed lasoo xiriitay Cabdisalaam Hadliye, kuna eedeysay inay uga baxeen heshiis ay wada galeen oo ahaa in arrinta ay sir ahaato.

Si kastaba, Wasiir Hadliey ayaa wararku sheegayaa in isaga qudhiisa uu ku eedeeyey Amina in ayadu ay marka hore billowday arrinta ka hadalka badda, kadib markii ay hortagtay baarlamanka Kenya una sheegtay heshiiska ay la galeen dowladda Somalia.

Dowladda Soomaaliya weli war lagu qanci karo kama aysan soo saarin arrinta badda ee shacabka Soomaaliyeed walaaca ku abuurtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com