Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo shirar adag oo u dhexeeya qaar kamid ah Odayaasha Beesha Habar-gidir.
Shirarkaani ayaa looga soo horjeeda Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuled oo doonaaya in deegaanada iyo guud ahaan maamulka Galmudug uu ka xaraasho Dowlada ethiopia.
Odayaasha ayaa kasoo horjeeda go’aanada uu C/kariin Guuleed ku taageerayo Siyaasada ethiopia iyo xiriirka cusub ee iminka kala dhexeeya.
Odayaasha ayaa sheegaya in marnaba aysan xiriir la yeelan doono Dowlada ethiopia oo ay ku tilmaameen mid cadow ku ah horumarka Somalia.
Shirka Odayaasha ayaa lagu soo hadalqaaday sida ugu sahlan oo lagu carqaladeyn lahaa xiriirka iminka ka dhex bilaabanaaya Madaxweyne Guuleed iyo Dowlada ethiopia, waxa ayna isku raacen in qaabka lagu hakin lahaa xiriirka noocaasi ah ay Guuleed kala hadli doonaan.
Odayaasha ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in ethiopia ay ku fogaato Siyaasada maamulka Galmudug.
C/kariin Guuleed ayaa mudooyinkaani xooga saarayay ethiopia si uu qeyb uga noqdo maamulada ku xiran Dowlada ethiopia.
Arrintaani ayaa u muuqata in C/kariin Guuleed uu ku xaraashaayo maamulka Galmudug.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]