24.9 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Gumeysi cusub?: EU oo Somalia ugu hanjabtay arrin yaab badan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Midawga Yurub ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay is mari waaga la xiriira hanaanka doorashada Somalia ee sanadkan 2016-ka.

Qoraal kasoo baxay ururka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ay si aad uga xun yihiin in aan wali go’aan rasmiya laga gaarin hanaanka doorashada 2016.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Midowga Yurub uu si dhow ula shaqeenayay Madaxda Dowladda iyo Guddiga Baarlamaanka u xil saaran dib u eegista hanaankii doorashada ee ka soo baxay Shirarka Madasha Wadatashiga Qaran.

Qoraalka waxaa lagu sheegay dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya in ay tahay siyaasada Soomaaliya oo dib loo celiyo iyo sidoo kale dalka oo ku jira kobac dhaqaale in uu hoos u dhac ku imaan doono.

Midawga Yurub ayaa sheegay in horumar la sameeyay, laakin waxa uu intaasi raaciyay in hadii si degdeg ah arrintan xal loogu heli waayo ay qasab ku noqon doonto dalalka Midawga Yurub inay ka fiirsadaan taageerada ay u fidiyaan hay’adaha dawladda federaalka ah, islamarkaana lagu baaqi doono shir caalami ah oo degdeg ah oo la xiriira arrimaha Soomaaliya .

“Soomaaliya waxey khasaarisay fursad muhiim u aheyd” sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Ururka Midowga Yurub.

Dhinaca kale, qoraal dhawaan ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa looga dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka meelmarinta Heshiiska hanaanka doorasho ee Dalka Soomaaliya oo dhawaan Ra’isul wasaaraha Soomaaliya uu horgeeyay Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News