Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka FS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goordhow Xildhibaanada Baarlamaanka ee xaadiray Hoolka u sheegay in dib loo dhigay kulankoodii ay uga doodi lahaayen Hanaanka doorashada 2016.
Jawaari waxa uu sheegay in Guddoonka sare ee BFS ay isla garteen in muddo laba maalin ah dib loo dhigo kulankaasi waxa uuna sababta dib u dhigaasi ku sheegay inay tahay mid lagu tixgalinaayo kulamada Madaxda Madasha Wadatashiga uga socda magaalada Muqdisho.
Jawaari waxa uu sheegay inaan suuragaleynin in iminka laga doodo Hanaanka doorashada 2016 iyo Heshiisyada madasha ilaa laga soo gabagabeeyo kan muqdisho uga socda madaxda Dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada.
Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxda Madasha ay diidan yihiin in go’aan ay gaaraan Baarlamaanka, isla markaana wax laga bedelo heshiiskii hanaanka doorasho ee 12-kii bishii April Muqdisho ku gaareen.
Kulan hadda u socda Madaxda Madasha, ayaa waxaa la sheegay inay uga arinsanayaan Aqalka sare ee Baarlamaanka in lagu soo daro Gobolka Banaadir iyo in kale, waxaana qodobkan uu ahaa mid aad u soo jiitamayay, muran badana uu ka taagnaa.
Xildhibaanada BFS ayaa Guddoonka sare usoo jeediyay in gebi ahaanba la hakiyo Aqalka sare ee Baarlamaanka, iyadoo Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran ay arrintan si gaar ah uga arrinsanayaan.
Ma cadda go’aanada kasoo bixi doona shirarka iminka socda, waxaana suuragal ah in shirarka socda uu gaaro ilaa maalinta talaadada ah ee fooda nagu soo heyso.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

