Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa socdaal ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo u arrimaha doorashada Soomaaliya uu kala hadlayo madaxda dalkaas, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Hailemariam uu madaxda dalkaas kala hadayo inay taageeraan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo dowladda Ethiopia ay taageereyso.
Labadan dal ayaa isku khilafsan cidda ay taageerayaan doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. Imaaraadka ayaa wata Cumar Cabdirashiid, halka Ethiopia ay gadaal ka riixeyso Xasan Sheekh.
Imaaraadka ayaa dhowaan shir ugu qabtay Dubai madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, oo ay ka dhammeeyeen inay taageeraan Cumar Cabdirashiid. Hase yeeshee markii ay soo laabteen ayaa Ethiopia iyana u yeertay kana dhaadhicisay inay taageeraan Xasan Sheekh.
Si kastaba, xogta ayaa sheegeysa in Ethiopia ay ka walaacsan tahay inaysan bixin karin dhaqaale la mid ah kan Imaaraadka ay ku yaboohi doonaan, waana taas sababta uu Hailemariam u tagayo Imaaraadka, si uu arrintan wada-hadal ugu dhammeeyo.
Inkasta oo qorshaha Hailemariam uu yahay inuu Imaaraadka kasoo gado Xasan Sheekh, ayaa haddana waxaa suurto-gal ah in isaga laga soo gado Cumar Cabdirashiid.
“Xaqiiqdii, arrintan waa 50-50 oo dhinac kasta ayey u dhici kartaa, waana suurta-gal in Imaaraadka ay Ethiopia ka gadaan Cumar Cabdirashiid” Waxaa sidaas yiri diblomaasi arrintan la socda oo codsaday inaan la magacaabin.
Faro-gelinta Ethiopia iyo Imaaraadka ay ku hayaan siyaasadda Soomaaliya ayaan wax macno ah sameyn doonin, waxaana cidda noqoneysa madaxweynaha Soomaaliya ay gacanta u jirtaa xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya, kuwaas oo aan la ogeyn cidda ay u codeyn doonaan.
Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

