28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Fadeexad: Puntland oo ku ceebowday qish ay ku sameysay Somaliland + Sawirro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamanka Puntland oo dib ugu celiyey wasiirka howlaha guud Cabdirashid Xirsi Maxamad Buug ka hadlaya Xeer Nidaamiyaha Magaalooyinka Puntland kadib markii ay ogaadeen in Qoraalkaan gabi ahaantiis laga soo minguuriyey ( Copy and Paste) maamulka Somaliland.

Buugaan oo horey ay usoo ansaxiyeen golaha Wasiirada Puntland ayaa waxaa ka muuqda magacyada gobolada iyo erey bixino gaar ah u ah dowlada Somaliland, taasi oo ceeb weyn usoo jeeday Puntland.

” Xildhibanada Barlamanka waxay la yaabeen in wasiirka howlaha guud ee Puntland ku guuldareysto inuu soo bandhigo cilmi baaris xeerkaani ku qotomo kaasoo ay leedahay Puntland balse waxaa nasiib daro ah in maamulka Puntland oo 18 jirsadey soo minguuriyo maanta Xeer dowlada Somaliland horey u soo bandhigtey islamarkaana ay muuqadaan gudihiisa magacyada gobolada iyo qaab dhismeedka dowladeed ee Somaliland.” Sidaas waxaa yiri xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland oo diidey in magaciisa aan xusno.

Buugaan loogu magacdarey Xeer nidaamiyaha magaalooyinka Puntland oo xildhibaanada baralamanku dib u celiyeen ayaa bogiisa 9aad farqada 1.2.2 taasoo cinwaankoodu yahay qorshe goobeedka Heer gobol ayaa waxaa uu sheegayaa; guddiga qorsheynta magaalooyinka Qaranka iyo xafiisyada gudoomiyeyaasha gobolada ayaa ka mas’uul ah diyaarinta qorsheyaasha goobaha Lixda gobol ee kala ah Maroodi-Jeer, Togdheer, Sanaag, Awdal, Sool iyo Saaxil islamarkaana iyaga ayaa ka mas’uul ah dib u eegista tobankii sanadba mar.

aaa2

Dhinaca kale bogga 12aad ee bugaan farqadiisa 1.3 waxaa ka muuqda qaab  dhismeedka xukuumadeed ee Somaliland kaasoo aan wax shuqul ah ku laheyn nidaamka xukuumadeed ee dowlada Puntland sida iyadoo ay ku qoran tahay Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasaarada Macdanta iyo biyaha wasaarada hurumarinta reer miyiga halka sidoo kale meelo badan lagu xusayo guddiyada qorsheynta magaalooyinka qaranka.

aaa3

Barlamanka Puntland oo dood ka yeeshey sababta ay ku dhacdey in buugaan qabyada ah la horkeeno waxay soo jeediyeen in mooshin loo qaado wasiirka howlaha guud ee Puntland halka kuwa kale eedeyn dusha uga tureen golaha Wasiirada oo iyagu markii hore soo ansaxiyey Xeerkaan.

Wararka aan ka helyno Barlamanka Puntland ayaa sheegaya in dood badan kadib xildhibanada go’aansadeen in dib ugu celiyaan xeerkaan wasaarada howlaha guud islamarkaana doodiisa iyo ansaxintiisa la keeno kafahdiga dambe ee aqalka wakiilada.

Wasiirka howlaha guud ee Puntland oo mudooyinkaan dambe ku maqnaa magaalada Galkacyo isagoo kamid ah xubnaha aadka dabada uga riixayay in xarunta gobolka Mudug laga hirgaliyo saylad lagu iibiyo xoolaha nool ayaa weli ka hadlin dib u celinta xeerkaan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News