Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulamo kala duwan oo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid la qaatay Xubnaha dhawaan lagu soo doortay magaalada Kismaayo ee ka tirsan labada Aqal.
Ra’isul wasaaraha ayaa ilaa Seddex kulan oo kala duwan la qaatay xubnaha labada Aqal, waxaana lasoo warinayaa in labada kulan ee ugu danbeysay uu ka mamnuucay Xildhibaanada aan kasoo jeedin Beesha Daarood.
Ra’isul wasaaraha ayaa Xildhibaanada Beeshiisa u sharaxay Siyaasada ka socta Madaxtooyada Somalia, iyo qaabka uu Xasan Sheekh ku doonayo in mar kale uu dalka ku qabsado.
Waxa uu Xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda Beesha Daarod u sheegay in Madaxweyne Xassan ay iska ilaaliyaan isla markaana u diidan in mar kale uu gacanta ku dhigo talada dalka.
Sharmaarke waxa uu Xildhibaanada uga digay in codkooda ay siiyan Musharax Hawiye, isagoo gaar ahaan kasii digay in Xildhibaanada Daarood ay codkooda siiyan Xasan.
Xasan Sheekh ayuu sheegay in Somalia uu u horseedi doono xukun dhaxal ah, waa haddii ay dhacdo in mar kale la doorto.
Sidoo kale, Xildhibaanada ayuu uga digay inay codadka ka cadowtimeyan Musharaxiinta kale ee kasoo jeeda Beesha Daarood ee loolanka kula jirta Xasan Sheekh.
Ra’isul wasaare Cumar oo kamid ah Musharaxiinta loolanka kula jirta Xasan Sheekh ayaa Xildhibaanada Beesha Daarood ka dalbaday inay codkooda siiyan shaqsi isaga lamid ah oo xaqooda usoo dhicinkaro.
Dhinaca kale, kulanka khaaska ah ee uu Sharmaarke la qaatay Xildhibaanada Daarood ayaa Ra’isul wasaaraha u horseedikara dhibaato Siyaasadeed oo saameyn ku yeelankarto doorashadiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

