28.1 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Xog: Axmed Madoobe oo diiday inuu saxiixo xildhibaanada Kismaayo lagu doortay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe  ayaa diiday inuu saxiixo liiska xildhibaanada cusub ee maamulka Jubbaland ka imaanaya.

Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa inuu diiday inuu liiska xildhibaanadaasi saxiixo, isaga oo ku xiray sharuud adag.

Sharuuda uu Axmed Madoobe ku xiray saxiixida liiska xildhibaanada ayaa waxaa ka mid ah in la xaliyo tabashooyinka maamulka Puntland uu ka qabo aqalka sare ee baarlamaanka.

Maamulka Puntland ayaa diiday in xubnaha aqalka sare ee Sool, sanaag iyo ceyn lagu doortaa deegaanada Puntland islamarkaana aysan aqbali doonin in Muqdisho lagu doortaa.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay in liiskaasi uusan saxiixi doonin ilaa laga xalinayo tabashooyinka Puntland ay qabto.

Deegaanada Jubbaland waxaa ka imaanaya 51 xildhibaan oo golaha shacabka kamid ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News