28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Ciidamada Puntland oo weeraray saldhiga ciidamada Galmudug ee Gaalkacyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Puntland weerareen saldhig ciidamada Galmudug ku sugnaayeen.

Cawil Nuur Rooble, oo ah taliyaha saldhiga Dhexe ee Galmudug ayaa sheegay in xalay ciidamada Puntland weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada Galmudug ku leeyihiin magaalada Gaalkacyo.

Tan iyo markii hishiis nabadeed wada gaareen Galmudug iyo Puntland ayuu sheegay in ciidamada Puntland weerar kusoo qaadayaan saldhigooda markii 10 aad, sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiisha ciidamada Puntland wali kama aysan hadlin hadalka kasoo baxay saraakiisha ciidamada Galmudug ee ah in ciidamada Puntland weerareen saldhiga ciidamada Galmudug.

Tan iyo markii hishiiska uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa  dhacay iska hor imaadyo u dhaxeeyay ciidamada labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News