MUqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay ilaa saaka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle ka socda olole ballaaran oo ergada beesha Daa’uud/Abgaal lagu xod xodanayo si codkooda u helaan laba musharax oo kursiga xildhibaanimo isku haya.
Kursigan ayaa noqonaya kii labaad ee beesha Abgaal ee maamulka HirShabeelle dhexdiisa ugu tartamaan, waxaana musharaxiinta oo gaaraya seddax ka muuqda labo musharax oo laga kala taageerayo Madaxtooyada Soomaaliya iyo tan Koonfur Galbeed, kuwaasi oo loolan adag dhex mari doono.
Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan oo xil wasiir ka haya maamulka Koonfur Galbeed isla markaana taageero ka helaya Madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa aad loo hadal hayaa inuu noqon doono qofka kusoo bixi doona kursigaasi.
Sidoo kale, Maxamed Axmed Beerey oo gacan ka helayo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ah qofka labaad ee Cabdullaahi Sheekh Xasan la tartami doona.
Wararka laga helayo Jowhar ayaa sheegaya in Mr. Beerey aysan weli wax lacag ah ka bixin, balse maanta ayuu damacsan yahay inuu furo boorsada, isagoo la sheegay in calaa ergo u qorsheeyay min 10,000 Dollar, halka Cabdullaahi Sheekh Xasan kalsooni badan uu ku qabo inuu ka guuleysan doono Beereey oo wax dhaqaale xumo ah aysan ka muuqan.
Ergada inta badan ayaa la sheegay in Cabdullaahi Sheekh Xasan ay dhankiiisa jiraan, taasina ay keentay in uu muujiyo kalsooni badan.
Waxaa saddexeeya C/qaadir Carabow oo si weyn loo hadal hayn, laguna tirinayo dhinaca siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan.
Kursiga beesha Daa’uud ayaa muran uu ka taagnaa jufada qaadan doonto, hase ahaatee arintaasi xal ayaa laga gaaray.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

