Jowhar (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan xubno Siyaasiyiin ka tirsan Dowlada, ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka dhextaagan yahay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble.
Labada Madaxweyne oo isaga dhawaa Madaxda kale, ayaa waxa uu khilaafkooda yimid kadib markii Cosob uu dhaqaale iyo Maskax galiyay soo bixitaanka Xildhibaan C/llaahi goodax Barre oo iminka kamid noqday Baarlamaanka Cusub ee Somalia.
Madaxweyne Xasan ayaa kasoo horjeeday in Xildhibaan C/llaahi goodax Barre uu kamid noqdo Baarlamaanka waxaana jira warar sheegaya in xiliga uu Goodax u tartamaayay Doorashada ay ciidamo hubeysan gudaha u gaalen Hoolka Doorashada kuwaasi oo ujeedkooda uu ahaa inay carqaladeeyan Doorashada, hayeeshee waxaa qorshahaasi uu wax ka ogaa Xasan Sheekh fashiliyay Ciidamo gaar u ahaa Cosoble.
Madaxweyne Xasan ayaa aad uga soo horjeeday in Xildhibaan C/llaahi goodax Barre uu kamid noqdo Baarlamaanka, hayeeshee waxaa riyada Goodax hirgaliyay Cosoble oo hal qabiil ay kasoo wada jeedan.
Madaxweyne Xassan waxa uu guuldaro kadib carro u qaaday Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo la sheegay in khilaafkooda uu iminka gaaray heerkii ugu sareeyay.
Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa ku adkeystay amar-diidada uu ku sameeyay Xasan Sheekh, waxa ayna tani sababikartaa in Xasan uu hoos u dhac kaga imaado dhanka Doorashada, gaar ahaan codadka.
Docda kale, Doorashooyink ka socda Caasimadaha Gobolada dalka ayaa sabab u noqday khilaafyo muuqda iyo kuwo aan muuqan oo u dhexeeya min Madaxweynaha ilaa Guddiyada Doorashooyinka.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

