25.5 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Villa Somalia oo faragalin culus ku heysa xafiiska Cumar C/rashiid

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dhanka Madaxtooyada Somalia ayaa sheegay in Agaasimayaasha Villa Somalia ay caqabad ku yihiin Howlaha ka socda Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rasiid.

Wararku waxa ay sheegayan in Agaasimayaasha Villa Somalia ay tashkiilin ku bilaaben Howlwadeenada Xafiiska Ra’isul wasaaraha Somalia si albaabada loogu laabo Xafiiska Cumar C/rashiid oo waayadani danbe ka mashquulay howshiisa Qaran.

Agaasimayaasha ayaa lasoo warinayaa in Howlwadeenada qaar ay ka diiwaan galiyeen Xafiiska Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Xafiiska Raisul wasaare Cumar ayaa waxaa la tilmaamayaa inay ku hareen Howlwadeeno aad u kooban kuwaasi oo si KMG ah usii wada shaqada Xafiiska, waxaana xusid mudan in Xafiiska Ra’isul wasaare Cumar maalmo ka hor uu ahaa mid u xiran shaqo la’aan.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa labadii bil ee lasoo dhafay ku howlanaa safaro la xiriira ololihiisa waxa ayna taa sababtay in Xafiiskiisa uu u xirmo shaqo la’aan.

Cumar C/rashiid ayaa loolan adag kula jira Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uuna ku hanweenyahay inuu ku fadhiisto kursiga uu iminka ku fadhiya Xasan Sheekh.

Lama saadalinkaro guusha iyo guul darida Cumar C/rashiid uu kala kulmi doono Doorashada maadaama uu shaqooyinkiisa u dayacay ololaha socda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News