Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ay Caasimada Online ka haleyso magaalada Jowhar halkaasi oo ay wali ka socoto doorashada xildhibaanada Aqalka hoose, kuwooda ka imaanaya maamul gobaleedka Hirshabeele, ayaa sheegaya in ay socdaan dadaalo xoogan oo ay wado madaxtooyada Somalia, kuna sidii ay dib ugu soo celin lahayd Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanadii hore.
Dadaalkaan ayaa waxaa hormuud u ah ugaaska Beesh Gaaljecel, ugaas C\raxmaan ugaas, kaasi oo la sheegay in uu lacag xoog leh ku qaatay sidii uu Jeesow oo aan taageera badan heysan uu Xildhibaan ugu dhigi lahaa mar kale.
Ugaas C/raxaaman ayaa la sheegay si uu hadaafkaan u xaqiijiyo in uu 17-ka xubnood ee Jufada Caloofi Luhube kaga soo aaday Ergada kursiga Beesh Luhube/ Gaaljecel in uu siiyo jufada Jeesow ee Miikaahiil oo horay u heysatay 17 xubnood.
Ugaaska ayaa arrintan ku cileeyay in Jufada Caloofi ay Aqalka sare xubin ka heshay.
Odayaasha labadaa Jufo ayaa shalay waxa ay Shir-jraa’id ku qabteen Magaalada Jowhar waxa ayna sheegeen in aysan marnaba raali ka noqon doonin qorshaha uu wado ugaaska, iyaga oo ugu baaqay in uu ilaaliyo midnimada Beesha Gaaljecel, sababna u noqon fitno sababi karto in ay kala geeyso jufooyin walaalo ah.
Jufada Caloofi waxa ay sheegtay in ay xaq u leedahay in ay wax ka doorato qufka u matalaya Beesha kursiga Luhube, halka jufada Bees Luhuba ay leedahay waa in Caloofi loo daayaa Ergadeeda, hadii ay tanaasulaane waa in si siman loo qaybiyaaa oo Jufa gooni la siinin Ergada Caloofi.
Dadka falanqeeya siyaasada ayaa waxa ay leeyihiin waxaa suuragal ah in uu Jeesow xoog lagu soo saaro, loona xalaaleeya ergadiisa, iyada oo looga soo kabsanaayo Jabkii madaxtooyada karaacay Kursiga Jufada Agoon/Xawaadle kaas oo uu ku soo baxay ninka sida wayn u diidan Madaxweyna Xasan Sheekha ee C/llahi Goodax Barre.
Xildhibaan Jeesow ayaa waxa lagu xagliyaa Madaxtooya Soomaaliya , isaga oo si töos ah u fuliya siyaasadaha Xasan Sheekh.
Kursiga Jufada Luhube, ayaa waxaa ku tartamaya, Amiin Daahir Jeesow (Miikaahil) , Hamza Aadam Xaadow (Miikaahiil) iyo Cusmaan Ahmed Maxamed Cadaawe(Bees Luhube).
Madaxtooyada Somalia ayaa horay u soo saaratay Amino Maxamed oo xubin sare ka ah xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh taasi oo soo laabashadeeda lage bixiyay lacag badan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

