Xog: Hal sabab oo ay DF qarineyso oo u u qabsoomi la’yahay shirka Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa markii 3-aad dib u dhacay shirka dib u heshiisiinta beelaha daga Galmudug oo ay bilooyin ka hor iclaamiyay dowladda Soomaaliya kadib markii ay heshiis la gashay Ahlu-Sunna iyo madaxweyne Xaaf.

Shirkaan ayaa wajahaya hal caqabad oo kaliya taas oo sababtay in uu dib u dhac ku yimaado muddo dhan 3 jeer, waxaana inta jeerba uu baqaanayay hal sabab oo ay diidan tahay dowladda Soomaaliya in ay shaaciso.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in shirka dib u heshiisiinta Galmudug sababta kaliya uu u qabsoomi la’yahay in ay tahay in la sugayo inta uu ka dhamaanayo shirka ka socda magaalada Hobyo ee gobalka Mudug.

Qaar kamid ah madaxda shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa maanta noo xaqiijiyay in uusan qabsoomi doonin shirka dhuusamareeb ilaa uu ka dhaamado shirka Hobyo ka socda kaas oo ay yeelanayaan shantata beel ee ugu saameenta badan beelaha daga Galmudug.

Dhinaca kale, waxaa la filayaa in maanta ilaa caawa waqti dheeraad ah lagu daro shirka beelaha Habar-Gidir ee ka socda magaalada Hobyo ee gobalka Mudug, sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan ka qaybgalayaasha shirka.

Odayaasha iyo siyaasiinta Habar-Gidir ayaa u muuqada kuwa diidan sida ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso shirka dib u hehsiisiinta Galmudug, islamarkaana ay isku dayayaan in ay ku curyaamiyaan shirka Hobyo ka socda sida aan ka soo xiganay saraakiil xog ogaal ah.

Caasimada Online ayaa heshay xog dhameestiran oo sheegeysa in uusan qabsoomi doonin shirka Dhuusamareeb ilaa uu ka soo dhamaado kan ka socda magaalo xeebeedka Hobyo ee gobalka Mudug, kaas oo u muuqda in uu qaadan karo waqti kale oo dheeraad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
caasimada@live.com