DF Somalia oo shaacisay in la xirayo iskuulada qaar ee dalka ka shaqeeya + Sababta

Muqdisho (Caasimadda Online)  – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa maanta sheegay in Maalinta Axadda ah ee soo socota uu dalku yeelanayo Guddiga tacliinta sare ee dalka, kuwaas oo la socon doona heerka tayada Waxbarashada sare ee dalkaas.

Dhinaca kale Wasiir Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in 30% oo kaliya ay ardayda Soomaaliyeed helaan Waxbarasho halka 70% ay guri joog iska yihiin.

Waxaa uu sheegay in ardeydaas u nugul yihiin ka qeybgalka colaadaha Dalka loona baahanyahay in arrintaas wax laga qabto.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Imtixaan ay ka qaadeen Macalimiinta Hoose iyo dhexe 22% kaliya ay u qalmaan in ay macallimiin noqdaan isaga oo soo jeediyay in sidoo kale 78% Macallimiinta wax la baro.

Cabdullahi Goodax Barre ayaa ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed bixiyaan Canshuurta haddii kalena dowladda tuugsan doonto taas oo ka dhigan in ciddii lacag siiya amarkeeda ay ku shaqeyn doonto.

Waxa uu sheegay Wasiirka in ay tahay in ardayda dugsiga Hoose iyo Dhexe loo dhigo sanadkaan bugaagta manhajka dowladda,isla markaana  iskuulkii kasoo horjeesta ay albaabada laabayaan.

Waxa uu intaa kudaray in sanadkaan intaa uusan dhamaan ay soo dhameystirayaan buugaagta ka harsan manhajka ee lagu dhigo fasalada 9aad ilaa 12aad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com