Madaxweyne Muuse Biixi oo ka war bixiyey ujeedada safarka uu ku joogo Jabuuti

Hargeysa-(Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa warbixiyey arimaha safarkiisa uu ku joogo dalkaas.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Afrika 10-ka sano ee soo socda ay u guureyso iskaashi, isla markaana safarka uu ku joogo Jabuuti uu ka dhiganyahay mid iskaashi doon ah.

Waxa uu sheegay in dalkaas loogu soo dhaweeyay si ay walaaltinimo ku dheehantahay, isla markaana uu kulamo la yeeshay madaxda ugu sareysa dalka Jabuuti.

Madaxweyne Muuse Biixi oo aan warbaahinta la wadaagin waxyaabaha ay isla meel dhigeeyn madaxda Jabuuti oo ugu qabsoomay safarkiisa, ayaa sidoo kale ka jawaabin su’aal laga weydiiyey marka uu soo gaba-gabeynayo safarkiisa.

Madaxda Jabuuti ayuu ku amaanay sida ay uga shaqeeyeen dhismaha dhulkooda, isagoo sheegay in Jabuuti ay tahay halkii uu kusoo koray.

Xiliga uu warbaahinta la hadlayey ayuu ku suugnaay Muuse Biixi meel buuro ah oo loo diyaariyey xanaaneynta xoolaha, waxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay sidii buurahaas ay ahaayeen xiligii uu arki jiray yaraantiisii iyo sida hadda looga shaqeeyey, shacabka reer Somaliland ayuu kula dardaarmay inay wax wada qabsadaan oo ka shaqeeyaan hormarinta dhulkooda sida reer Jabuuti oo kale.

Caasimada Online

Xaafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com