Sare u kac xoog leh oo ku yimid qiimaha Diyaaradaha Kismaayo iyo Nairobi

Kismaayo (Caasimadda Online) – Sare u kac xoog leh ayaa ku yimid Qiimaha lagu raaco Diyaaradaha rakaabka ee isaga kala goosho Magaalooyinka Kismaayo iyo Nairobi kadib amarkii kasoo baxay dhawaan Dowladda Soomaaliya ee lagu amray inay Diyaaradaha tagayo iyo kuwa ka baxayo Kismaayo ay soo maraan Magaalada Muqdisho.

Go’aankaas kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo dhaqan galay ayaa sabab u noqday inuu sare u kaco qiimaha lagu raaco Diyaaradaha Kismaayo iyo Nairobi.

Diyaaradaha Rakaabka ee labadaas Magaalo ayaa markii hore lagu raaci jiray ilaa lacag gaareyso 230 Dollar halka hadda lagu raaco 290 Dollar taasoo ka dhigan inuu jiro qiimo koror dhibaato ku ah dadweynaha.

“Walaaca aan qabno wuxuu yahay in muddadii lagu safri jiray ay markii hore ahayd saacad iyo bar markii uu duulimaadka uu ahaa toos, hadana Muqdisho in la maro ayay noqotay oo wakhtiga wuu dheeraaday, dadka rakaabkana dhib ayay ku noqotay wayna iska dhaafeen safarka, anaguna dhibaato ayey nagu noqotay”, ayuu yiri Cabdi Macalin oo ah maamulaha shirkadda Freedom Airline .

Wuxuu intaas ku daray inay yaraadeen Dadkii Diyaaradaha u raaci jiray Kismaayo iyo Nairobi maadaama waqti badan uu qaadanayo safarka.

Go’aanka xayiraadda lagu saaray Diyaaradaha Kismaayo tago iyo kuwa ka imaado ayaa kusoo aadayo ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in aysan aqoonsaneyn doorashadii Jubbaland oo ay ku tilmaamtay mid aan sharci aheyn.

Tallaabada ay Dowladda qaaday ayaa la rumeysan yahay inay tahay mid culeys lagu saarayo Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qabsaday doorasho dib loogu soo doortay oo aysan door ku laheyn Dowladda Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com