XOG: Halka uu degayo Farmaajo iyo wararkii ugu dambeeyey xil wareejinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Villa Soomaaliya waxaa ka socota munaasabadda xil wareejinta ee Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda xil wareejinta oo guddiga gaar ah loo xil-saaray ayaa la filayaa inay dhacdo maalinta Isniinta ee soo socota, waxaana haatan socda diyaar garowgii ugu dambeeyey.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa haatan bilaabay inuu ka guuro dhismaha madaxtooyada, iyadoo laga rarayo alaabta qoyskiisa.

Farmaajo ayaa loo diyaariyey guri ku dhow garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay dagan yihiin inta badan xubnihii mucaaradka ku ahaa dowladdiisa.

Sida ay ogaatada Caasimada Online guriga Farmaajo loo diyaariyey ayaa waxaa horey u daganaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), waxaana ka socday xilligii doorashada ololaha dib doorasho ee Farmaajo, walow laga adkaaday.

Arrintan ayaa soo gabagabeyneysa 5 sano oo uu xafiiska joogay Madaxweynihii hore ee dalka, waxaana haatan u bilaabanaya nolol ka duwan tii hore iyo mucaaradnimo horleh.

Si kastaba, Xasan Sheekh Maxamuud oo horey usoo noqday Madaxweynihii 8-aad ayaa horey xilka ugu wareejiyey Farmaajo, hadda oo mar labaad loo doortayna wuxuu xilka kala wareegayaa Madaxweynihii beddalay, taas oo noqotay dhacdo aan horey uga dhicin dalka.