Xog: Halka uu fariisanayo maamulka ay DF u dhiseyo Jubaland iyo qorshaha socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa 24-kii September qortay in askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo gaaraya 300 islamarkaana Muqdisho laga qaaday laga dajiyay degamada Baardheere ee gobalka Gedo, kuwaas oo qeyb ka ah ciidamo  badan oo dowladda ay ku daad gureyneso gobolka Gedo. Halka ka aqri.

Waxaa warbixintaas ku jiray in ciidamadaas ay qeyb ka yihiin qorshe ay dowladda dooneyso inay guud ahaan ku wada qabsato gobolka Gedo, kadibna u gudubto Jubbada Dhexe, si ay Axmed Madoobe ugu soo reebto kaliya dhowr degmo oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Go’aankii dowladda ay shalay ugu dhowaaqday habraaca doorashada madaxweynaha Jubaland ayaa si rasmi ah banaanka u keenay qorshihii dowladda ay billowday toddobaayo ka hor ee Caasimada Online shaaca ka qaadday.

Sida aan xogta ku helnay mar kale, doorashada dowladda ay qorsheeneyso inay u qabato Jubaland ayaa lagu soo dhisi doonaa maamul cusub oo dowladda taageersan, kaasi oo xaruntiisa ay noqon doonto magaalada Garbahaarey ee xarunat gobolka Gedo inta laga xoreynayo magaalada Bu’aale oo ah caasimadda rasmiga ah ee Jubaland

Maamulka cusub ayaa noqon doona mid ay aqoonsan tahay dowladda federaalka ah, sidoo kalena la isku dayi doono in beesha caalamka laga dhaadhiciyo inay aqoonsato, inkasta oo aan la hubin inay taasi dhici doonto.

Go’aankan ayaa waxaa si gaar ah u qaatay madaxweynaha Soomaaliya oo ka sokow loolanka dowladda federaalka ah iyo kan Jubaland ay xiisaddan ku riixeyso loolan u dhaxeeya beesha uu kasoo jeedo iyo beesha Axmed Madoobe oo sanado badan isku haya maamulka Kismaayo.

Qorshaha cusub ee dowladda ayaa kasii dari doona xaaladda Jubaland oo laga cabsi qabo inay gaarto heer dhiig badan uu ku datao.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
caasimada@live.com