DF oo ciidamo laga qaaday Muqdisho gaysay Gedo iyo qorshe culus oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo Muqdisho laga qaaday ayaa galabta laga dajiyay degamada Baardheere ee gobalka Gedo, kuwaas oo hor dhac u ah ciidamo kale oo dowladdu ay damacsantahay in ay ku daad gureyso gobolka Gedo.

Ciidamada galabta laga dajiyay Baardheere ayaa tiro ahaan gaaraya 300 askari, sida ay ogaatay Caasimada Online waxayna saraakiisha hogaaminaysa sheegeen in ay hor dhac u yihiin ciidamo kale oo lagu daabulayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado in maalmaha nasoo aadan ay gaaraan halkaas.

Ciidamada ayaa qeyb ka ah qorshe ay dowladda dooneyso inay guud ahaan ku wada qabsato gobolka Gedo, kadibna u gudubto Jubbada Dhexe, si ay Axmed Madoobe ugu soo reebto kaliya dhowr degmo oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Talaabadaan dowladda federaalka ay ciidamada ugu dajisay Baardheere ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Wasiirka arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, uu u yeeray guddoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Maxamuud Muxumed iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ka howlgala gobalka Gedo.

Qaar ka mid ah xubnahaas ay u yeertay wasaaradda arimaha gudaha ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho sida aan xogta ku helnay, waxaana lagala hadlay xubnihii soo gaaray Muqdisho fulinta go’aano ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya iyo Xafiiska Madaxtooyada, kuwaas oo la rabo in ay ka dhaqan galaan gobolka Gedo.

Caasimada Online ayaa ogaatay in go’aanadaas ay ku jiraan qodobadaan.

1) – In guddoomiyaha gobalka uu ku dhawaaqo xil ka qaadis lagu sameeyo guddoomiyaasha afar degmo oo kala ah, Luuq, Doolow, Ceelwaaq iyo Baardheere, kuwaas oo ah degmooyinka aadka looga taageero Axmed Madoobe kana tirsan Gedo.
2) – In taliyaal cusub iyo guddoomiyaha gobalka, ay hogaamiyaan howlgal ka bilaaban doono Gedo oo lagu imaan doono Jubbooyinka, waxaana lagu wareejin doonaa Ciidamo cusub oo tababar ka soo baxay iyo saanad ciidan.
3) – Iyo in aysan fulin, kana amar qaadan Axmed Madoobe, balse ay fuliyaan amarada ka soo baxa Madaxtooyada Soomaaliya si loo badbaadiyo dalka.

Wafdigaan ayaa la filayaa in ay deg deg ugu laabtaan Gedo, islamarkaana ay dhaqan geliyaan heshiiyo iyo amaro ka soo baxay Madaxtooyada oo dagaal culus kula jirto Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Lama oga sida ay u dhaqan geli doonaan arrimahaan balse waxaa la filayaa in masuuliyiintaan ay wajahaan caqabado badan oo saameen balaaran degaanka ku yeesha.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
caasimada@live.com