Xog-warran: Halkee ayuu CC Shakuur kala qaaday madaxweyne Farmaajo?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hashu Maankeyga Gadiye ma minshaar bey liqday! Waa mid ka mid ah hadallada ugu xigmadda badnaa ee ay adeegsan jireen waayiilkii Soomaaliyeed marka ay arkaan dhacdo la bixin waayey!

Hadda bulshada Soomaaliyeed ayey haysataa maadama ay meel ay u bixyaan waayeen weerarka aan joogisaga lahayn ee uu Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku bartilmaameedsado madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Walow aysan ahayn arrin weecsan  in la dhaliilo nidaam markaas jira si loo toosiyo hadana waxa ay su’aalo badan  ka dhasheen sababta soo dedejisay mucaaradnimada bur burinta ku dhisan ee siyaasiga doorashadii 2017 looga adkaaday.

Waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee lagu arkay Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa ka mid ahaa in soo degay Muqdisho bilooyinkii ugu horreeyey ee dowladda hadda jirta isaga oo ka bilaabay dhaq dhaqaaqyo u muuqday kuwo dumin ah balse uu ka dhigayey mucaaradnimo wax lagu dhisayo.

Waxaa tusaale mug weyn u ah halkii ay gaartay is jiid jiidkii dowladda iyo isaga oo uu ku muteystay xarig iyo in la wareero howgiisa kaddib markii dowladdu ku heshay dhaq dhaqaaqyo liddi ku ahaa jiritankooda.

Taas waxaa dheer, mucaaradnimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa mid ku kooban madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, wey adag tahay in aad aragto isaga oo si gaar ah wax uga sheegaya laamaha kale ee dowladda, sida xukumadda, labada gole ee sharci dejinta IWM.

Halkee ayuu kala qaaday Farmaajo?

Sida ay Caasimadda Online ugu warrameen siyaasiyiin ka mida kuwa mucaaradka ah kana ag dhaw siyaasiga, waxa uu RW Xassan Cali kheyre ku soo daray liiskiisa golaha wasiirada Cabdiraxmaan Cabdishakuur markii uu sameeyey liiskii kowaad (First Draft), waxa uuna ka dhigay wasiirka arimaha gudaha.

RW Xassan Cali Kheyre wuu la wadaagay arintaas Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna soo dhaweeyey balse waxa uu u sheegay in madaxweyne Farmaajo ka aqbali doonin.

Yeelkeede, sida ay siyaasiyiinta xog ogaalka ah Caasimadda Online u sheegeen, waxaa dhacday sidii uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur filayey waxaana laga reebay liiskii rasmiga ahaa isaga oo laga doortay Yusuf Garaad Cumar oo loo magacaabay wasaaradda arimaha dibadda.

Wixii intaa ka dambeeyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu u xuub siitay mucaaradnimo ay adag tahay in uu arko tallaabooyinka togan ee ay dowladdu qaado balse durbadiiba arka kana soo falceliya kuwa taban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com