Xog: Halkuu ku danbeeyay dalabkii Farmaajo ee Sacuudiga ee saldhigga Berbera?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo ku saabsan qorshaha uu dhawaan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo dacwada ugu gudbiyay Dowlada Sacuudiga, taa oo ku aadan Saldhiga Millitery ee uu Imaaraadka ka dhisanaayo magaalada Berbera.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowlada Sacuudiga ay deyro ka muujisay in Imaaraadka ay kala hadasho arrinta Saldhiga Berbera kadib markii uu fashilmay wada hadal labada dal ay ku xalin lahaayen Saldhiga.

Ilo ku dhow dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in Dowlada Sacuudiga ay Jawaab waafi ah DFS ka siisay Saldhiga Imaaraadka ee magaalada Berbera, waxaana la xaqiijiyay in Sacuudigu uu ka miro dhalin waayay wada hadalka Imaaraadka ee lagu hakinaayo Heshiiska Berbera.

Ku-xigeenka dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salman Bin Cabdi Casiis ahna Wasiirka Gaashaandhiga, oo arrintaani horay faraha ula galay, ayaa la xaqiijiyay in Madaxweynaha Somalia uu kusoo jawaab celshay.

Amiir Maxamed Bin Salman, ayaa Farmaajo ka dalbaday in qadiyada Saldhiga Imaaraadka ee magaalada Berbera la hordhigo dowladaha saaxiibada la ah Imaaraadka.

Amiir Maxamed Bin Salman ayaa Villa Somalia ku wargaliyay in Sacuudiga uu ku fashilmay in Imaaraadka uu ka dhaadhiciyo hakinta Heshiiska ay la galeen Somaliland.

Qorshaha Farmaajo ayaa ahaa ka faa’iideysiga xirirka adag ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaradka si Imaaradka uga tanaasulo saldhiga Milateri ee Berbara ka hirgilinayo kadib marki Barlamanka Somaliland ay ansixiyeen heshiiska Somaliland iyo imaaradka ee quseeya dhismaha saldhiga.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Sacuudiga ayaa qudheeda ku qanacsan Saldhiga uu Imaaraadka ka dhisanaayo magaalada Berbera, maadaama ay kawada tirsan yihiin Isbaheysiga gumaadka ku haya Xuutiyiinta Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com