Maxaa keenay in dekedaha ugu weyn Somalia ay u gacan galaan shisheeye?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladdo badan oo caalamka ah ayaa hardan ugu jiro sidii ay ugu xoogeysan lahaayeen gobolka Geeska africa, iyadoo xooga saaraya dhanka xeebaha dalka Soomaaliya.

Waxaa haatan shaki ku jirin in dekadaha ku yaala magaalooyinka dalka Soomaaliya ay la wareegeen dowladdo magaca Islaamka nala wadaaga kuwaasi oo dano gaar ah ka leh la wareegida dekadaha Soomaaliya.

Dowladda Turkiga oo si weyn ugu dhex milantay shacabka Soomaaliyeed sanadkii 2011 xiligii abaaraha daran ka jireen dalka Soomaaliya ayaa la wareegtay maamulka dekada magaalada Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha.

Waa ilaha dhaqaalaha Soomaaliya oo dowladda ayaa dhaqaalo badan ka hesha labadaas goobeed oo dalka Turkiga hay’addo laga leeyahay ay la wareegeen.

Dekada magaalada Berbera waxaa heshiis gaar ah kula wareegay dowladda Imaaraatka carabta oo dagaal adag kula jirto dowladda Turkiga, waxaana Imaaraatka uu taageero ka helayaa dowladda Mareykanka oo dagaal kula jirto Turkiga.

Sidoo kale Imaaraatka ayaa la wareegay dekada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana heshiiskaasi saxiixay madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Gaas.

Muddo 30 sano ah ayaa imaaraatka Carabta shirkadda laga leeyahay loo saxiixay inuu maamulayo dekada magaalada Boosaaso, waana waqti aad u dheer mana jirto dowladd Soomaaliyeed oo arimahaasi ka hadlaya.

Waxaa la isweydiinaya sababta maamul goboleed dowladd dhan heshiis sanadahiisu badan yahay ugu wareejinayo hantida shacabka Soomaaliyeed leeyihiin.

Waxaa haatan harsan dekado kale oo ku yaala deegaanada maamul goboleedyada, waxaana kamid ah dekada degmada Hobyo, dekada Kismaayo iyo dekada Ceelmacaan, walow qaarkood haatan si dadban looga faa’ideysto.

Dad badan oo siyaasada falanqeeya ayaa ka digaya in dagaalka carabta ka jira la doonayo in loosoo wareejiyo dalka Soomaaliya, maadaama heshiisyada qaar ee lala galayo dowladdaha ay dhigayaan inay saldhigyo ka sameysan karaan dekaha qaarkood.

Xogo aan helnay ayaa sheegaya in imaaraatka Carabta uu qorsheynayo in heshiis uu kula wareego dekada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxayna taasi ka dhigi doontaa in lala wareegayo dhamaan ilaha dhaqaalaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com