26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Xog: Halkee lagu tababarayaa ciidamada xoogga Soomaaliyeed ee la dhisayo?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aad horey ugu aragteen Warbixinadeenii hore, waxaana qeyb qeyb idinkula wadaageynay Document ay Caasimadda Online heshay, kaasoo muujinayo heshiis ku aadan qaabka ay noqon doonaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ahaa mid dhex maray dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada.

Waxaan horey idinkula wadaagnay in Ciidamada Xoogga ay noqon doonaan tiro ahaan ilaa 18000 oo askari oo isugu jiro: Danab, kuwa cirka iyo Badda.

Sidoo kale waxaan idinla wadaagnay in ciidamadaas lagu soo dhameystiri doono diyaar ay noqon doonaa muddo 6 Bil ah oo ka bilaabaneyso 1 June 2017.

Haddab markaan waxaan idinla wadaagi doonaa halka lagu tababari doono Ciidamadaas ay ku heshiiyeen Dowladda iyo Maamul Goboleedyada.

Sida ku cad Document-ga ay Caasimadda Online heshay, waxay dowladda iyo Maamul Goboleedyada ku heshiiyeen in ciidamadaas lagu tababaro Gudaha Soomaaliya, weliba iyadoo la raacayo Manhajka tababarka Ciidamada Soomaaliyeed, isla markaasna dib loo soo ooleeyo xirooyinkii lagu tababari jiray Ciidamada, wuxuuna qodobkaas lagu heshiiyey u qornaa sida hoos kaaga muuqato

Heshiiska kuma caddo, cidda bixin doonto tababarka ciidamadaas, balse waxaa loo ogaa inay Tababarka ciidamadaas ka qeyb qaadan doonaa Dowlado Shisheeyo oo ay ugu horeyso dowladda Turkiga oo diyaar u ah inay qeyb lixaad leh ka qaadato dib u dhiska Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News