Xog: Heerka musuq maasuqa ka jira xafiisyada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax isdaba marin badan ka jirto xafiiska xeer ilaalinta Soomaaliya.

Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in daraasaad dheer oo muddo socotay lagu ogaaday in wax badan la is daba mariyo dacwadaha kala duwan ee soo gaara xafiiska xeer ilaalinta qaranka Soomaaliya, taasi oo sababta in musuq maasuq badan lagu dhaco.

“Daraasad muddo dheer socotay waxaa kasoo baxday in qaladaad iyo nidaam daro badan ay ka jirto xafiiska Xer ilaalinta oo ka bilaabata marka dambiga feylkiisa la keeno ilaa uu ka dhamaado”ayuu yiri Axmed Cali Daahir.

Dhinaca kale wasiirka cadaalada xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Axmed Jaamac, oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in  cadaalada darada ay keento in loo kala eexdo dadka dambiyada la galo, gaar ahaan dadka danyarta ah, sida uu sheegay.

“ilaa qofka dan yarta ah ee aan soo gaari karin xafiiska ee dacwada qaba ka helayaan qof u xaqsoora waxaa jirta cadaalad darro, inaan cadaalad ku dhaqano ayaa nalaga doonayaa”ayuu yiri wasiirka cadaalada.

Waa markii ugu horeysay oo Axmed Cali Daahir uu eedeeyn uso jeediyo xafiiska Xeer ilaalinta qaranka Soomaaliya oo uu isaga madax ka yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com