Xog & gorfeyn: Loolankii Isbaheysiga Hawiye iyo D&M vs Daarood ee Kismaayo (Yaa adkaaday?)

Kismaayo (Caasimada Online) – Shirkii Madasha wadatashiga Qaran ee ka socday Kismaayo ayaa xalay lagu kala tagay, ayada oo aan wax heshiis ah laga gaarin qodobadii laga hadlayey.

Waxa ugu weyn ee la isku mari waayey ayaa ahaa qaabka lagu soo xulayo xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ku hardamayey is-baheysi Daarood oo Puntland iyo Jubaland ay horboodayaan iyo isbaheysiga Hawiye iyo Digil iyo Mirifle oo dhinac ah, taageerana ka filaya beelaha Dir iyo Shanaad.

Doodda Daarood.

Puntland iyo Jubaland, waxa ay doonayaan in wax lagu qeybsado hab degmo, oo degmo kasta laga soo xulo tiro xildhibaanno ah ayada oo aan la eegeynin tirada dadka ku nool.

Maxay sidan u doonayaan?

Puntland iyo Jubaland waxa ay og yihiin in degmooyinka hadda jira oo uu sameeyey Siyaad Barre ay ayaga u daneynayaan. Siyaad Barre wuxuu degmooyin ka dhigay deegaano badan oo xitaa dadka degan aysan dhameyn 50,000, balse uu beeshiisa ugu daneeyey.

Ka sokow degmooyinka ay rasmi ahaan u degaan, waxaa hoos taga ama u xisaabsan degmooyin badan oo Hawiye ama Digil iyo Mirifle ay ku badan yihiin.

Degmooyinka ayaa inta badan ka mid ah Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana damacoodu yahay in degmooyinka hoos tagay Jubaland soo xulistooda loo xil saaro Axmed Madoobe, sidaasna ay xildhibaano badan ku helaan ayaga oo dadka deegaanka xaqooqda duudisanaya sida haddaba ka muuqata baarlamanka Jubaland.

Inkasta oo haddii hab qabiil wax lagu qeybsado ay si la mid ah Soomaalida wax u heleyaaan, haddana waxaa qorshahoodu yahay in baarlamanka cusub Daarood ugu badnaado, si dalka ay ayaga u maamulaan.

Isbaheysiga Hawiye.

Isbaheysiga Hawiye uu horkacayo ee Digil iyo Mirifle, waxa ay doonayaan in hab qabiil wax lagu qeybsado, ayaga oo eegaya waxyaabo badan oo xittaa laga yaabo inaysan dan ugu jirin.

Maxay sidaan u doonayaan?

Waxaa xusid mudan in marka degmo la yiraahdo in beelaha Hawiye ay ku nool yihiin degmooyinka ugu badan Soomaaliya, laakiin qaar ka mid ah degmooyinkaas waxa ay hadda ku magacaaban yihiin Jubaland, dadka ku noolna xaqooqda ma helayaan inta Axmed Madoobe ay hoos tagaan.

Waxaa taas caddeyn u ah in degmooyinka 16-ka ee Xamar oo kaliya ay ka badan yihiin dhammaan degmooyinka Puntland Isbaheysiga Hawiye ma diidana hab degmo in wax lagu qeybiyo, laakiin waxay doonayaan in degmo walba lagu qiimeeyo tiro ahaan, oo aan degmo un laga soo qaban.

Waxay ku doodayaan in Hargeysa oo hal milyan ka badan ay ku nool yihiin iyo Garoowe oo boqol kun wax aan dhameyn ay joogaan aysan caddaalad ahayn in si siman wax loo siiyo.

Waxa ay sidoo kale aaminsan yihiin in hab degmo ay wax ku weynayaan dadka laga tira badan yahay oo Hawiyaha ay aamisan yihiin in uu xil ka saaran yahay difaacooda, maadaama intooda badan ay weligood la noolaayeen Hawiye.

Isbaheysiga Hawiye waxa ay ku adkeysanayaan in degmo wax lagu qeybsado kaliya marka ay dhici karto doorasho qof iyo cod ah, dalkana la tiro koobo.

Laakiin isbaheysiga Daarood marnaba ma ogola in tiro meesha la keeno, ayaga oo ka cabsi qaba in nus ka mid ah degmooyinka ay degaan aysan ku nooleyn dad badan oo ay yihiin kuwa maran.

Yey u daneynayaan Puntland iyo Jubaland.

Puntland iyo Jubaland inkasta oo magac Daarood ay is huwiyeen, haddana sida ay wax u wadaan waxaa qorshuhu yahay in Kablalax ugu bato baarlamanka cusub.

Habka degmo ee ay ku doodayaan waxaa sidoo kale wax ku weyn doono beelo yar yar oo ka mid ah kuwa Daarood, balse hoos taga Kablalax (Puntland iyo Jubaland).

Yey u daneynayaan Hawiye?

Hawiye diidamada degmo waxay ku weynayaan xildhibaano ka badan kuwa ay hadda haystaan oo ay heli lahaayeen, sidaas oo ay tahayna way ku adkeysanayaan.

Waxay si gaar ah ugu daneynayaan Digil iyo Mirifle iyo beelaha laga tiro badan yahay, oo hab degmo dhaawac weyn ku gaarayo.

Laakiin diidmadooda ugu weyn waa Daarood wax u diid, ee ma ahan Hawiye wax ha helo, sababta oo ah xittaa haddii degmo wax lagu qeybsado Hawiye ayaa mar walba ugu xildhibaano badanaya, sida ku cad shax ay sameysay Caasimada Online. Halkan ka aqri.

Maxaa xalku yahay?

Shirkii waa lagu kala tagay, waxaana muuqata in dhinac kasta uu ku adkeysanayo mowqifkiisa.

Sida muuqata waxa ay u badnaan doontaa in ugu dambeyn la qaato 4.5, maadaama Daarood laga tiro badan yahay, oo Soomaalida inteeda kale ay nidaamkan rabaan.

Habka ugu wanaagsan.

Dalalka adduunka oo idil ee haysta nidaamka federaalka, ayaa hab degmo wax ku qeybsada, waana habka ugu habboon laakiin kuma habboona marxaladda Soomaaliya.

Hab degmo wuxuu shaqeyn karaa marka degmo walba tirada dadka ku nool iyo xildhibaanada kasoo galaya la isku miisaamo, sidaa darteed in degmo wax lagu qeybsado waxaa ka horreeya tiro koob rasmi ah oo Soomaaliya ka dhaca.

Waxaa sidoo kale ka horreeya in laga hadlo 18-ka gobol iyo 92-ka degmo ee Soomaaliya oo badankood loo sameeyey in beel gaar ah loogu daneeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com