Sawir ka turjumaya xaqiiqda ka jirta Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Farshaxaniiste Amin camir ayaa soo bandhigay sawir gacmeed lagu cabiray mashaqada ka taagan Kismaayo iyo sida ay madaxda DF iyo kuwa Gobolada ugu adeegayaan Dowladaha deriska la ah Somalia.

Sawir gacmeedkaani oo lagu cabiray sida ay daacada ugu yihiin madaxda dalka ayaa waxaa si gaar ah loogu karbaashay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusman Jawaari oo ku dhex hurday madashada, halka madaxweyne Xassan Sheekh uu isna la booday laba kursi oo uu sheegay inuu u kala wado DAMU-JADIID iyo ETHIOPIA oo ku weyn maskaxdiisa.

Sidoo kale waxaa Sawirka lagu soo qaatay Cumar C/rashiid oo kuraasta ku hoos dhuuntay xili Axmed Madoobe uu dalbanaayo in la raali galiyo Ethiopia iyo Kenya oo miisaan ku leh Siyaasada Jubbaland.
KIS33 copy