Madaxda Soomaaliya oo laga celiyey garoonka Kismaayo iyo farriin digniin ahayd oo ka timid…

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada ee ku shirsanaa magaalada Kismaayo ayaa laga celiyay maanta garoonka diyaaradaha xilli ay doonayeen inay ka dhoofaan oo kadib markii ay wax go’aan ah ku gaari waayeen magaalada Kismaayo, laakiin waxaa garoonka isla markaa ka degay safiir farriin uga siday beesha caalamka oo gaarsiiyay amar ka reebay inay raacaan diyaaradihii qaadi lahaa, waxayna dib ugu laabteen magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynayaasha maamulada Puntland, K/Galbeed, Jubba iyo Galmudug waxaa farriinta Beesha caalamka saaka gaarsiiyay Safiirka Imaaraadka Carabta u jooga Soomaliya oo isla saaka ka degay magaalada Kismaayo, wuxuuna u sheegay inay beesha caalamka u soo wakiilatay farriin ah : “INAYSAN KISMAAYO KA TEGI KARIN IYAGOO AAN GAARIN HESHIIS” ku saabsan qaabka doorashada dalka ee 2016.

Xaaladaas ayaa ku qasabtay in qaar ka mida madaxda Soomaalid oo markaas ku sugnaa Garoonka diyaaradaha ay dib ugu laabtaan magaalada, waxaana diyaaradihii soo qaadi lahaa ku soo baxay xildhibaano soo gaaray Muqdisho.

Xaaladda ayaa cakiran waxaana si cad u soo shaac baxday awoodda beesha caalamka oo ka careysan in xilligan oo waqtigu yar yahay ay madaxda Soomalida heshiin waayaan, ayna dhinac socoto iyadoo askar badan oo AMISOM ah lagu leynayo Soomaaliya.

Waxaa hadda socda kulamo kale, waxaana la isku dayayaa in xal la gaaro, ayada oo aan la ogeyn sida xaaladda ku dambeyn doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com