Xog: Axmed Madoobe & Gaas oo xujeeyey Xasan

Kismaayo (Caasimada Online) – Iyadoo la isku mari la’yahay shirarka ka dhacaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa soo baxaya isku soo dhawaansho laga dareemayo madaxda ku sugan magaalada Kismaayo.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweynaha Soomaaliya uu soo jeediyay in muddo kordhin labo sano ah loo sameeyo dowlada haatan jirta hay’ayadaheeda kala duwan si wadanka ay u gaarsiiyaan in hab deegaan lagu soo doorta dowlada imaaneyso.

Arintaasi ayaa la sheegay iney aqbaleen qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada gaar ahaan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo u ololeynaya in hab deegaan lagu soo dhiso dowlada imaaneyso marka waqtiga uu ka dhamaado.

Laakiin waxaa soo baxaya warar kale oo ku saabsan in hogaanka Jubbaland iyo Puntland ay soo jeediyeen in madaxweynaha oo kaliya waqti kordhin islamarkaana waqtiga uu ka idlaado bisha Agoosto baarlamaaka iyo xukuumada Soomaaliya, taasi oo caqabad cusub noqotay.

Dhinaca kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu ku adkeysanayo in dhamaan hayadaha dowlada Soomaaliya waqti kordhin loo sameeyo, oo xafiiskiisa kaliya aan waqti kordhin loo sameyn.

Waxay arintaasi sababtay inuu sii adkaado shirka magaalada Kismaayo oo ay yeeshaan shirar gaar gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com