Xog: Gaas oo oo aflagaadeeyey beelaha Hawiye

Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/wali Gaas ayaa si aan looga baran uga hadlay fashilkii ku imaaday shirka wada-tashiga ee magaalada Kismaayo.

C/wali Gaas oo ay carro hareereysay ayaa sheegay in fidno dhamaanteeda uu yahay madaxweyne Xassan Sheekh waxa uuna sheegay in Beesha Hawiye ay dalka ku hogaaminayaan wadada ”Jaxiimo”.

Gaas waxa uu tilmaamay in xili hore uu sii ogaa in Xassan Sheekh uusan raali ku aheyn shirka Kismaayo, waxa uuna carabka ku dhuftay in dhowrka qarni ee soo socda aysan Somalia ka bixi doonin qaska iyo qarbudka ka taagan Somalia waa haddii uu yiri aan laga qaban Beesha Hawiye.

C/wali Gaas waxa uu hadalkiisa intaa raaciyay in sababta ay beesha caalamka uga qeybgali weysay shirka ay tahay xadgudub Siyaasadeed oo uu sameeyay madaxweyne Xassan, waxa uuna Gaas cod dheer ku sheegay in Beesha Hawiye ay Somalia geeyen qabuuraha.

Gaas waxa uu farta ku goday in Beesha Daarood ay ka fiirsan doonto Siyaasada Beesha Hawiye, waxa uuna cadeeyay in Hawiye oo idil uu qadka ka saaray Xassan Sheekh Mxamuud.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Gaas ayaa Xassan Sheekh iyo xubnaha Dowlada ee ku wehlinaaya shirka wacad ugu maray inay qeyb ka bixin doonaan dhaqaalaha ku baxay shirka Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com