Xog: Riyadi Xasan oo ku rumowday KISMAAYO

Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa saacadihii ugu danbeeyay hirgaliyay qorshihiisii ahaa fashilinta shirka looga doodaayay nooca doorashada Somalia ee ka socday magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo adeegsanaayay madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa waxaa u suuragashay in qorshihiisa uu u dhaco sidii loo baahnaa waxa ayna tani bad-baado u tahay in si sahlan uu uga dego kursiga.

Ujeedka uu Xassan Sheekh u fashiliyay shirka Kismaayo ayaa ah in wakhtiga kooban uu ku dhaqangaliyo riyo maalmeedkiisa si uu mar kale kursiga Qaranka ugu soo laabto isaga oo adeegsanaaya Xildhibaano lagu soo xulay rabitaankiisa.

Guusha uu Xassan Sheekh ka gaaray shirka Kismaayo ayaa waxa ay sidoo kale soo dadajisay in gabi ahaan Villa Somalia laga dhigo mashxarad lagu taageerayo guusha wafdiga Xassan ee qaabka Siyaasadeysan loo hirgaliyay.

Dib u dhacyadii Seddexda maalin ee madaxweyne Xassan ayaa qeyb ka aheyd qorshooyinka lagu fashilinaayay shirka Kismaayo, waxaana arrintaasi fahmay Wakiilada Beesha Caalamka oo isaga baxay shirka si aan dhaliisha dusha loogu saarin.

Qorshaha fashilinta ayaa la sheegayaa inuu wax ka waday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kadib markii ay qol mugdi ah isku soo xireen.

Si kastaba ha ahaatee, kala boodka shirka Kismaayo ayaa waxaa ka dhalankara xurguf Siyaasadeed oo ka dhaxeynkarta DFS iyo Maamulada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com