28.8 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Xog: Goorma ayuu R/W Kheyre ku dhawaaqi doonaa golaha wasiirada cusub?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay taariikh dhigay markii uu helay dhammaan codadkii xubnihii baarlamaanka ee kasoo qeybgalay kulankii codka looga raadinayey markaas oo la waayey xildhibaan ka hor imaado ama ka aamuso.

Haddaba markii uu madaxweynaha u magacaabay xilkaan ayuu ka codsaday inuu golihiisa wasiirada kusoo magacaabo muddo 15 maalin ah maadaama dowladda laga sugayo waxqabadka badan lagama maarmaana ay tahay in la ilaaliyo waqtiga.

Haddaba wararkii ugu dambeeyey oo ay heshay caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inuu Ra’isulwasaaraha soo magacaabi doono Golaha wasiirada asbuuca soo socdo hadduu Alle idmo.

Ra’isulwasaaraha ayaa la filayaa inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo liiska golihiisa wasiirada cusub asbuuca soo socdo gaar ahaan Maalinta Arbaca ah.

Nooca iyo tirada ay noqon doonaan wasiirada cusub ayaa waxaa laga helayaa warar kala duwan oo weliba is khilaafsan.

Wararka qaar ayaa sheegayo inay noqon doono 30 wasiir, 30 Wasiir ku xigeen iyo 10 Wasiiru Dowle halka sidoo kalana la sheegayo inay noqon doonaa 16 wasiir.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay kasoo muuqdaan xubno waaweyn oo ka tirsanaa dowladii Xasan Shiikh Maxamuud ee dhawaan xilka laga wareejiyey.

Wixii warar ah ee kusoo kordha iyo haddii ay wax iska badalaan waqtiga magacaabista waan idiin soo gudbin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News