Ciidamo aad u hubeysan oo goordhow la wareegay xaafado ka mid ah Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Booliska Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa goordhow si buuxda ula wareegay Buundo ku taal xaafadda Xaawo taako ee Magaaladaasi.

Ciidamadan ayaa xiray wadada waxa ayna hakiyeen isu socodkii dadka iyo gaadiidka Buundada yar ee ay qabsadeen ciidankaan Booliska ka tirsan.

Ciidamada ayaa sheegay inaysan muddo qaadan wax mushaar ah, islamarkaana Saraakiisha Booliska Gobolka ay ka doonayaan inay meel ku sheegaan xaqii ciidanka uu lahaa.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in ay ku baxeen Ciidamadan, si ay u xaliyaan tabashadooda, sidoo kalena ay u furaan isu socodka Gaadiidka wadadaasi.

Dhawaan ayeey aheyd markii ciidamo ka tirsan Puntland oo gadooday ay la wareegeen xarunta Baarlamaanka iyo Wasaarada Maaliyadda Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com