Warbixin: Maxa keenay inuu Farmaajo xilalka iyo xafladaha ku aadiyo maalin arbaco ah?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu arkay hal dabeecad oo aan si badalin tan iyo markii laga soo bilaabo Xiligii la doortay oo uu ka guuleystay Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la doortay maalin Arbaco ah oo ku beegneyd 08 February, sidoo kalana waxaa la caleema saaray maalin Arbaco ah oo beegneyd 22 February .

Madaxweynaha ayaa sidoo kale habeenkii Arbacada oo ay Khamiis soo galeysay wuxuu magacabaay Ra’isul wasaraha cusub inkastoo uu saxaafadda la wadaagay aroortii hore  ee Khamiista.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa Ra’isul wasaaraha cusub ee Xasan Cali Kheyre barlamaanka hor geeyey Shalay oo Arbaco aheyd kuna beegneyd 01 March 2017.

Midda kalana madaxweynaha iyo ra’isul wasaarha ayaa qorsheenayo inay golaha wasiirada ku dhawaaqaan Arbacada soo socoto.

Haddaba waxaa bilaabatay in la is waydiiyo sababta keentay inuu madaxweynaha tallaaboyinka waaweyn uu qaado Maalinta Arbacada ah oo kaliya.

Arrintaan ayaa waxaa looga hadlay siyaabo kala duwan iyadoo dadka qaarkood ay kuu sheegayaan inuu madaxweynaha maalinta Arbacada ah ku doortay maadaama ay tahay maalintii loo bixiyey Guusha Shacabka oo ku beegneyd Arbaco waana maalintii uu noqday madaxweynaha Soomaaliya.

Arrin kale oo aan la hubin ayaa shegeyso inuu arrintaas kula dardaarmay Shiikh weyn oo joogo Muqdisho midkaas oo markasta usoo duceeyo madaxweynaha, waana Shiikhii uu kasoo duceystay ka hor inta uusan gelin doorashada.

Sidaas darteed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa go’aansaday inuu xilalka iyo munaasabadaha waaweyn ku aadiyo maalin Arbaco ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com