Dhageyso: Gaas oo shaaciyey inuu Farmaajo ka dhex arkay mustaqbalka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay sida uu u arko madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay inuu kamid yahay dadkii ka shaqeeyey inuu Farmaajo noqdo Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kalana wuxuu sheegay inuu maamulkiisa sabab u ahaa in doorashadaan dhacdo.

Wuxuu sheegay inuu aqoon fiican u leeyahay Farmaajo, isagoo wasiir ka ahaa xukuumadiisa, isla markaana uu wax badan qaban karo, niyadiisuna fiican tahay.

Cabdiweli gaas ayaa yiri “Aqoon fiican ayaan u leeyahay.. Farmaajo waa nin fiican oo daacad ah, shaqo fiicanna qaban kara…”

Sidoo kalana madaxweyne Gaas ayaa ka dhawaajiyey inuu Hadda arkayo saadaal fiican iyo mustaqbal wanaagsan maadaama uu madaxweynaha Soomaaliya noqdo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Intii ay socotay ololihii doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa lagu tirinayey dadkii sida weyn ugu ololeenayey inuu xilkaas qabto Cabdirashiid Sharma’arke.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka Cabdiweli Gaas

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com