Xog: Wasaarado la rabay in la isku daro oo hal arrin darteed looga tanaasulay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in asbuuca soo socdo gaar ahaan maalinta Arbacada ah lagu dhawaaqo golaha wasiirada cusub ee Dowladda Soomaaliya, ee uu soo dhisayo ra’iisul wasaare xasan Kheyre.

Xog ay shabakadda Caasimadda Online heshay ayaa xaqiijinaysa inaan la isku dari doonin labada wasaaradood ee Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka, maadaama ay dhawaan soo baxday in la yareyn doono wasiirada tirada badan.

Wararka ayaa sheegayo in la la kala qaadi doono wasiirka Arrimaha Gudaha iyo kan Amniga qaranka oo ay sii ahaan doonaan sidii hore, sababo jiro awgeed sida aan ka heleyno illo wareedyo aad ugu dhaw xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Labadaan wasiir ayaa waxaa la filayaa in la kala siiyo laba beelood, maadaama oo kala duwan maadaama wasiirada loo qeybsado habka 4.5, waxaana markii hore la hadal hayey inay xukuumadda noqon doonto sida Middii uu Farmaajo soo magacaabay markii uu Ra’isulwasaaraha ahaa.

Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshe la doonayo in beelo badan lagu qanciyo.

Waxaa la filayaa inuu Ra’isul wasaaraha soo magacaabo Wasiiro ka badan intii la filaayey taasoo ay dadka siyaasadda falanqeeyo kuu sheegayaan inay tahay mid dhib ku ah habsami u socodka dowladda.

Asbuuca soo socdo gaar ahaan maalinta Arbacada ayaa la filayaa inuu si rasmi ah Ra’isulwasaaraha ugu dhawaaqo golihiisa wasiirada cusub.

Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha oo ka fakarayo dhibaatada ay kala kulmi karaan Baarlamaanka marka la horgeeyo wasiirada cusub ayaa lasoo sheegayaa inay isku dayi doonaan inay qanciyaan dhammaan beelaha Soomaaliya si ay ugu fududaato ansixinta wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com