26.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

XOG: IGAD, QM iyo beesha caalamka oo tagaya Dhuusomareeb iyo qorshe cusub oo ka socda!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in magaaladaasi la qorsheynayo iney tagaan madax ka socoto beesha caalamka.

Wakiilo ka socda urur goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo xubno kale ayaa la filayaa iney tagaan magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo dhawaan Xasan Sheikh Maxamuud uu kasoo laabtay.

Wararka qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya in gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari oo kamid yahay wafdiga la filayo iney tagaan magaalada Dhuusomareeb.

Qorshaha hoose ayaa sheegaya in la filayo in isla magaalada ay ka furaan shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, kaasi oo dhabar jab ku noqonaya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh.

Caasimada Online ayaa heshay xogta ku saabsan in wafdiga maanta la filayay iney tagaan magaalada laakiin ay baaqdeen oo la qorsheynayo in saacadaha soo socda ay tagaan magaalada Dhuusomareeb.

Odayaal kala duwan oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in wafdigaasi ay kulamo la qaadan doonaan waxgaradka gobolka si looga arinsado arimaha maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News