Xog: Imaaraadka Carabta oo dhuxul sharci darro ah ka dhoofinaya dekad ay maamusho Jubbaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in dhoofinta Dhuxul sharci darro ah ay ka socto Dekadda maamulka.

Dhuxusha ayaa la sheegayaa in iminka laga raraayo Deked Macmal ah oo ku taalla Buurgaabo oo ka tirsan Jubbada Hoos, una dhow Xadka Kenya.

Dhuxusha ayaa la xaqiijiyay in lagu raraayo Markab u kireysan Ganacsato reer Jubbaland ah kaa oo kusii jeeda magaalada Dubai ee xarunta dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Rarista Markabkaan ayaa la socda maalintii Seddexaad waxaana lasoo sheegayaa in Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu amray rarista Dhuxusha, waxaana xusid mudan in Buurgaabo ay gacanta ku heyso Jubbaland.

Dowladaha saaxiibada la ah Somali iyo Dowlada Somalia ayaa horay uga hor imaaday in Dekadaha dalka laga dhoofiyo Dhuxul iyo in la guro dhirta.

Sidoo kale, DFS ayaa asbuucii la soo dhaafay mamnuucday ka Ganacsiga dhuxusha, ka gadaal markii shir caalami ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho lagu mamnuucay Dhuxusha.

Dhinaca kale, Ganacsatada iyo maamulka Jubbaland ayaa dhuxusha horay uga dhoofin jiray Dekedda magaalada Kismaayo hase ahaatee waxaa haatan loo weeciyay Buurgaabo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com