Xog: Xaaf oo ka hor yimid qorshe ay u bandhigeen Gaas iyio A/Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka hor imaaday qorsho ay wateen Hogaamiyayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xaaf loo soo jeediyay inuu is garabtaago maamulada Jubbaland iyo Puntland oo Siyaasad ahaan xiligaan kasoo horjeeda Dowlada Somalia.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayey Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas ka dalbadeen inuu kusoo feelo garabka adeecsan Imaaraadka ee kasoo horjeeda Mowqifka dowlada Somalia, hase ahaatee Xaaf ayaa ka hor imaaday in loo adeegsado dowlada Somalia.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa labada Hogaamiye ee kale u cadeeyay in mowqif ahaan uu ku feelan yahay dowlada Somalia, maadaama uu maamul ahaan yahay mid hoostaga, waxa uuna ka cudur daartay in xiligaan uu khilaaf iyo buuq u horseedo maamulkiisa.

Xaaf ayaa la tilmaamay inuu doortay in uu dhexdhexaad ka noqdo khilaaf Siyaasadeedka dadban ee Jubbaland iyo Puntland kala dhexeeya Dowlada.

Hogaamiyayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa iminka ku howlan abuurista mucaarad ka horjeesta Dowlada Federaalka oo ay u badnaan doonaan Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Hogaamiyaha Puntland C/wali Gaas ayey isku dhaceen dowlada tan iyo markii ay Dowlada Somalia dhaqaale xoogan Garoonka Muqdisho uga qabatay dowlada Imaraadka Carabta taa oo la doonaayay in lagu kala furfuro Siyaasada Somalia.

Wixii intaa ka danbeysay C/wali Gaas ayaa Dowlada Imaaraadka Carabta la galay Heshiis hoosaadyo u muuqday in lagu baabi’inaayay karaamada Qaranimo ee Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaan buunbuunin Khilaafka kala dhexeeya Maamulada Jubbaland, Puntland iyo Dowlada Imaaraadka carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com