Guddiga Caawin Qaran oo ku dhawaaqay cadadka lacagaha loogu deeqay ciyaartooyda 17 jirrada Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga CaawinQaran oo ah koox wariyaal oo iskood isu abaabulay ayaa lacago dhiiri galin ah u aruuriyay ciyaartooyda 17 jirrada Somalia oo kaalinta labbaad ka galay ciyaariyihii 17 jirrada ee wadamada ku yaala Bariga iyo Bartamaha Africa.

27-kii April ayaa wariyaashu iclaamiyeen lacag aruurinta ciyaartooyda waxaana bartilmaameed u ahaa xubnaha Dowlada ,siyaasiyiinta aan xilalka heynin, xarumaha warbaahinta iyo ganacsatada waa weyn.

12 maalmood oo ay CaawinQaran waday lacag aruurinta waxaa ay ciyaartooyda usoo aruuriyeen $18,213 ( Sideed iyo toban kun ,labbo boqol iyo sadex iyo toban dollar ) .

Berri oo jimco ah ayaa lacagtaan mid mid loogu qeybin doonaa ciyaartooyda, bartamaha garoonka kubadda cagta ee Koonis. Sidoo kale kulan u dhaxeeya isla ciyaartooyda 17 jirrada ayaa berri galab ka dhici doona Koonis.

Hoos waxaad ka arki kartaa guud ahaan dadkii lacagaha bixiyay ,qof walba inta uu dhiibay iyo guud ahaan lacagta .

Dhamaad

Guddiga CaawinQaran