Xog: Imaaraadka oo Cabdi Weli Gaas siinaya dhaqaale laga leeyahay hal ujeedo

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lasoo sheegayaa inay ballanqaday dhaqaale xoogan oo la filaayo in loo adeegsan doono doorashada maamulka Puntland.

Dhaqaalahaani ayaa la xaqiijiyay inuu ballanqaaday Dhaxal Sugaha Imaaradda ahna ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida ee dalkaasi Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in dhaqaalaha uu ballanqaaday Sheekh Maxamed Bin Zayed ay gaar u tahay Hoggaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas oo xusul duub ugu jira dib u hanashada maamulka uu kasii dagaayo.

Sheekh Maxamed Bin Zayed, ayaa C/weli Gaas u ballanqaaday lacag dhan 1 Milyan taa uu u adeegsan doono codadka Xildhibaanada baarlamaanka, Odayaasha, Siyaasiyiinta iyo Ololaha oo qaadan doona dhaqaalaha ugu badan.

Sheekh Maxamed Bin Zayed, ayaa doonaya in C/weli Gaas uu kusii ilaalshado Heshiiska Dekadda Boosaaso iyo Saldhigyo la sheegay in Imaaraadka uu ka dhex sameystay gudaha Garoonka magaalada Garoowe iyo Boosaaso.

Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa Gaas u ballanqaaday inay ku bixin doonaan dhaqaale kale oo noqon doona keyd kaa oo loo adeegsan doono Musharaxiinta miisaanka leh si aysan u galin tartanka doorashada.

Sidoo kale, Gaas ayaa laga doonayaa inuu fududeeyo xal u helida caqabadaha aadka u badan ee dowlada Imaaraadka ka heysta dhanka dowlada Somalia, waxaana arrintaasi dhiiri galinaaya Sheekh Maxamed Bin Zayed.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Imaaraadka ayaa dooneysa inay kusii nagaato Dekadda iyo Garoomada Puntland, waxa ayna dagaal dadban kula jirtaa musharaxiin ay wadato dowlada Somalia, kuwaa oo laga cabsi qabo haddii ay guuleystan inay meesha ka saaran Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com