Muqdisho (Caasimada Online ) – Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa inay xoojiso xiriirka kala dhexeeya maamulka Somaliland, ee dhawaan ogolaaday in magaalada Berbera laga hirgaliyo Saldhig Militeri oo laga duqeyn doono Xuutiyiinta Yemen.
Dowlada Imaaraadka ayaa Heshiiska Somaliland kadib qalinka ku duugtay in dhammaan deeqihii ay gaarsiin jirtay Dowlada Somalia ay u weecin doonto Somaliland.
Diplumaasi ka tirsan Dowlada Imaaraadka, gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa dhawaan sheegay in Dowlada Imaaraadka ay qaadi doonto talaabooyin lagu xoojinaayo xiriirka Somaliland.
Diplumaasiga ayaa sheegay inay suuragal tahay in Somaliland ay hesho deeqaha Imaaraadka ee gaari jiray Dowlada Somalia, waxa uuna talaabadaasi ku micneeyay mid lagu saraqaadaayo Heshiiska dhawaan dhexmaray labada dhinac.
Waxa uu sheegay in Heshiiska uusan aheyn keliya mid dhigaaya in la dhiso Saldhiga, balse waxa uu tilmaamay inuu qeyn ka yahay in Somaliland lasiiyo deeqaha sida Gaadiidka, Hubka iyo agabyada lagu tayeynkaro Hay’adaha amaanka si looga hortago qalqalka amni ee ku imaankara Somaliland.
Sidoo kale, Sargaal ka tirsan Militeriga Imaaraadka oo nuqulo kooban oo Wareysi ah siiyay Wargeys kasoo baxa dalka Sacuudiga oo lagu magacaabo riyadh, ayaa sheegay in Imaaraadka ay ka go’an tahay inay ka dhabeyso garabsiinta Somaliland, waxa uuna tibaaxay inay suuragal tahay in deeqihii ay ku bixin jireen Dowlada Somalia lagu xoojiyo xiriirka Somaliland iyo Imaaraadka.
Dhinaca kale, waxa uu sheegay Sargaalkaani in Imaaraadka uu ka fiirsan doono caqabadaha kaga imaan doona Dowlada Somalia ee ku aadan dhismaha Saldhiga iyo qalabeyntiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]